Kun

Kun

Somali history1

KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 7-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay

: Cabdiraxmaan Anteeno 




QEYBTII 7aad

Waxay noo mareysay sheekadiinee markii Ninkii Kalluumeysata ahaa uu Shabaqiisii bada ku tuurtay markii afaraad asigoo markaan Alle baryay bisinkana uqabtay, kadib markii uu cabaar sugay ayaa waxaa dhacday in Shabaqii cuslaaday waliba culeys aad udaran ilaa uu kusigay huurigii yaraah ee Odayga saarnaa inuu la gadoomo, kadibna odaygii wixii tabar Ilaahay siiyay iyo juhdi markuu bixiyay ayuu soo bixiyay wixii culeyska badnaa.

Balse wuxuu noqday Sanduuq Maar ka sameysan afkana ka xiran iyadoo uuna ku asteysan yahay Faraantigii Nabi Suleymaan.

Wuxuu is dhahay Maanta calafkaaga ayaan saan noqday ee sanduuqaan qaad oo Suuqa Maarta iyo macdanta lagu iibiyo gee waa intaasoo quudkii maanta kusoo heshaaye,  balse markuu qaad is dhahay ayuu qaadi waayay culeys dartiis markaas ayuu go’aansaday inuu furo si uu u ogaado waxaan culeyska badan ee sanduuqa kujiro,


 

kadib mindi uu watay inta soo baxsaday ayuu sanduuqii furay balse wuxuu noqday sanduuq Eber ah, Ninkii asigoo yaaban ayaa waxaa Sanduuqii kasoo baxay Xoogaa Qiiq ah kaasoo marba marka kasii dambeysa sii xoogeysanayay ilaa uu qiiqii daruuraha sabeeyay,odaygii miskiinka ahaa aad ayuu ula yaabay kadIbna qiiqii ayaa is qabsaday wuxuuna isku badalay cifriit aad uweyn, madaxiisa Daruuraha maraayo halka Cagihiisana Dhulka yaalaan weyninkiisa darteed,

Wuxuu lahaa madax sidii qubada uwareegsan,  iyo Gacmo aad uqaro weyn, Lugo aad moodid iney yihiin darbiyada dhufeyska ah,  Af aad udheer aadna udhuuban sida kan cantalyaaga, Ilko aad dhagaxaan waaweyn moodid, waxaa ka muuqdo Boor iyo Basaas waliba asigoo Badda kasoo baxay ayay hadana waxaas oo boor ah ka muuqdaan.



Markuu odaygii Kalluumeysatada ahaa arkay Cifriitkaan weyn ayuu jareeyay iyadoo ilkiiha xitaa is garaaceen Candhuuftana laqi waayay meel laga jirana garan waayay cabsi darteed.

Cifriitkii markuu arkay odaygii Kalluumeysatadii ayuu yiri laa ilaaha illaa-llaahu Sulueymaana waa nabigii Alle.

Kadibna wuxuu sii raaciyay “Nabi alloow ha idilin markale hadalkaaga ma khilaafi doono, mana kugu caasin doono”

Markaas ayuu odaygii yiri ” ma Suleymaan baad haddea Nabigii allow leedahay iyadoo Nabi Suleymaan geeriyooday kun iyo sideed boqol oo sano kahor?? anagoo joogno aakhiro Zamaan,   maxay tahay qisadaada maxaana halkaan ku galiyay”

Cifriitkii markii uu maqlay hadalkii odaygii ayuu ku yiri “hadey saas tahay bishaareyso oday-yahow”

odaygii “maxaan ku bishaareystaa ood iigu bishaareyneysaa?”

Cifriitkii ayaa markaas yiri ” dhimashadaada ku bishaareyso isla saacadaan inaan ku dili doono dilistii ugu xumeyd”

Markaas ayuu odaygii yiri ” oo maxaan ku muteystay in sidaas dhan la ii dilo Wallaahi adigaa muteysatay in sidaas laguu dilo, war maxaad igu dileysaa anigoo halkaan oo aad ku dhibaateysneyd kaasoo bixiyay abaalkeyga miyaad sidaan ka dhigeysaa?”

Markaas ayuu Cifriitkii yiri “warkaas ka bax ee dhimasho noocee doooneysaa?”

markaas ayuu odaygii yiri ” waxaan kuweydiinaa muxuu yahay dambigeyga oo maxaan kaa galabsaday oo sidaan iigu abaal marineysaa?”

Markaas ayuu Cifriitkii yiri hadaba anigaa kuu sheegayee dhageyso, odaygii oo cabsanaya ayaa markaas yiri ” soo gaabi hadalka nafteydii lugaheey soo mareysaaye”

 

Cifriitkii ayaa markaas hadalkii ku bilaabay ” waxaad ogaataa oday-yahow inaan aniga ka mid ahaa jinigii maariqiinta ahaa,  waxaana ku caasiyay hadalkii Nabigii Allaah ee Suleymaan Binu Daa’uud,  Maalintii dambe ayuu wuxuu iisoo diray wasiirkiisa Aasif bin Barkhiyaa si qasab ah ayuuna igu waday wuxuuna ii geeyay nabi suleymaan, waxaana la ihor istaajiyay Nabi Suleymaan hortiisa, markuu i arkay Nabi Suleymaan wuu iga cuudu bileystay wuxuuna iisoo bandhigay iimaanka Alle iyo inaan hadalkiisa adeeco, waana diiday.

Markaas ayuu dalbaday sanduuqaan, wuuna igu xiray asigoona igu khatimay faraantigiisii, magaca Alle ee weyn ee hadaad Alle ku bariso ku ajiibayo ayuuna ku qoray wuxuuna amar ku siiyay jinigii adeecsanaa iney igu tuuraan moolka bada, wayna igu tuureen, markaan Badda ku dhex xirnaa mudo boqol sano ayaan waxan ku qeyliyay qofkasta oo iga soo bixiyo meeshaan inaan hodan ka dhigi doono inta noloshiisa ka hartay, boqolkii sano ayaa kasoo wareegatay meeshana qofna igama uusan soo bixinin.

Markaas ayaan hadana ku qeyliyay qofkasta oo iga furo inaan ana ufuri doono keydka dhulka oo dhan, boqolaal sano ayaa kasoo wareegatay hadana qof iga furtay ma arkin kadib markey kasoo wareegatay afar boqol oo sano waxaan ku qeyliyay qofkastoo iga furi waxaan usameyn doonaa waxkasta oo uu iga codsado, markale hadana qof iga furto waan waayay.

Markaas ayan xanaaqay xanaaq aad udaran waxaana dhahay qofkasta oo iga furo isla saacaduu iga furo ayaan dilaa anigoo dooransiinayo sidaan udili lahaa, markaasna adigaa iga furay ee niyeyso sidaan kuu dili lahaa.

Markuu odaygii kalluumeysatada ahaa maqlay hadalkii Cifriitkii ayuu yiri “waa cajiib wlhi hada qofkad sugeysay inaad disho ee meesha kaa furi doono ma aniguu noqday??

markaas ayuu odaygiii hadana yiri iska key cafi Allaha haku cafiyee,  markaas ayuu Jinigii yiri waa qasab inaan ku dilo si aan ballanteyda u oofiyo, ee waxaad rabtid intaadan dhiman kahor iisheeg si aan kuugu xaqiijiyo waana ballan inaanan ku dilin anoon kuu xaqiijinin.

Markaas ayuu odaygii xoogaa fikiray kadibna ayuu yiri magaca Allaah ee weyn ayaan kugu dhaariyee adigoo intaan la eg sidee ku gashay sanduuqan aadka uyar?

Cifriitkii markuu maqlay Magaca Alle ee weyn ayuu gariiray markaas ayuu yiri ma waxaad rumeysan la’dahay inaan sanduuqaan gali karo?

Markaas ayuu odaygii yiri macquul maba ahan waxaaba shaki iiga jiraa inaad sidaad sheegeyso sanduuqaan kasoo baxday.

markaas ayuu jinigii yiri hadaba anigaa ku tusaayee arag.

kadibna Shaharzaad waxay ogaatay in subaxii soo dhawaaday sheekadiina wey joojisay.

HABEENKII 4aad.

Markaas ayuu Jinigii inta qIic iska dhigay Sanduuqii ku aruuray markuu Wada galay ayuu odaygiina kor uga xiray, asigoona shaabadii ku qabtay, markaas ayuu odaygii jinigii ku yiri toogtiisii niyeyso dhimasho noocee ayaad dooneysaa si aan badaan markale kuugu tuuro?

Cifriitkii markuu hadalkaas maqlay ogaadayna in sanduuqii markale lagu xiray ayuu yiri walalow waan ku baryaa bada ha iicelinin, markaas ayuu odaygii yiri immisa ayaan anba ku tuugayay ood iga diiday waliba anoo meeshaan aad kujirto kumanaan sano kaasoo saaray ayaad abaalkeyga ka dhigtay inaad idisho,

markaas ayuu cifriitkii yiri iga fur wllow waan ku wanaajin doonaa waxaad rabtana waan kuu sameyne, markaas ayuu odaygii yiri been ayaad iisheegeysaa waxaadna tahay Jinni Naclad ku dhacday mana laga yaabo inaan halkaan kaa furo, waxaadna ogaataa inaan aniga iyo adiga lamid nahay sidii boqorkii la dhihi jiray YOONAAN  iyo ninkii xakiimka ahaa ee la oran jiray ROOYAAN.

Markaas ayuu Cifriitkii yiri oo maxay ahaayeen boqor Yoonaan iyo xakiim Rooyaan? maxayna aheyd qisadooda?

Markaas ayuu odaygii yiri ma waxaad rabtaa inaad ogaato sheekadii Boqor Yoonaan iyo Xakiim Rooyaan??

markaas ayuu Cifriitkii yiri haa ee bal iisheeg muxuu ahaa xaalkooda?

QISADII BOQOR YOONAAN IYO XAKIIM ROOYAAN.

Odaygii kalluumeysatada ahaa wuxuu hadal ku bilaabay

waxaad ogaataa Cifriityahow in waa hore oo mudo aad ufog laga joogo inuu jiray boqor utalin jiray magaalooyinka kamid ah dhulka Furus (Beershiya) iyo dhulka roomaanka waxaana la dhihi jiray boqor yoonaan, wuxuuna ahaa boqor hanti badan iyo ciidan aad u xoog badan, waxaana jirkiisa ku yaalay oo uu lahaa baras,

Baraskaasoo ay daaweyn waayeen dhamaan dhakhaatiirtii isku dayay iney daaweeyaan, waxaana wax utari waayay daawooyinkii iyo dhamaan wax walbo oo la siiyay. boqorkana wuxuu dhibsaday oo qaati ka taagnaa cudurkaan baraska ah ee ku dhacay.

iyadoo xaalka sidaas yahay ayaa waxaa Magaaladii soo galay nin Xakiim ahaa aadna u da,weynaa waxaan la dhihi jiray xakiim rooyaan,  wuxuuna aqoon ulahaan jiray kutubtii greega , Faarisiga,  Roomaanka, Carabiga, iyo Saryaaniyada (waa luuqadii uu ku hadli jiray Nabi Ibraahim Caleyhi Salaam)

sidoo kale xakiim Rooyaan wuxuu yaqaanay Cilmiga Caafimaadka, kan Xiddigaha, iyo sida looga faa,ideysto.

Wuxuu kaloo yaqaanay sida dadka loogu daaweeyo daaweynta dabiiciga ee dhirta, asigoo sidoo kalana ahaa feylasuuf, sidaas darteed ayaa loo dhihi jiray xakiim rooyaan.

markuu mudo magaalada uu joogay ayuu wuxuu maqlay arinta boqorka iyo inuu baras qabo wax daawana loo waayay.

WEY SOCOTAA…


Report Page